Eretrea oo ka Hadashay Gantaaladii lagu Garaacay Asmara.

0
164

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dowladda Eretrea ayaa xaqiijisay in weerar gantaallo loo adeegsaday oo laga soo tuuray dhanka dalka Itoobiya ay ku habsadeen magaalada Asmara.

Danjiraha Eretrea u fadhiya dalka Jabbaan oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa yiri “May 1998 jabahadda TPLF ayaa dagaal ku soo qaadday Eretrea, saddex weerar ayay kusoo qaadday intii u dhexeysay 1998-2000, hal milyan oo ruux ayaa barakacay, 76.000 oo qof oo ka soo jeeda Eretrea ayaa laga soo ceyriyay Itoobiya”

Waxa uu intaa ku daray “Jabhadda Tigreega ayaa mar kale falal fuleynimo ah kusoo weerartay Eretrea 14-kii November 2020”

Diblomaasiyiin ku sugan gobolka ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in saddex gantaal oo laga soo tuuray dhanka dalka Itoobiya ay ku dhaceen caasimadda Eretrea ee Asmara gaar ahaan gegida dayuuradaha.

TPLF ayaa horay u sheegatay in ay ka jawaabi doonto weerarro ciidamada Eretrea ay ku soo qaadeen soohdinta ay la wadaagaan gobolka Tigree waxayna jabhaddu sheegtay in ay duqeyn doonto magaalooyinka Asmara iyo Musawa ee dalka Eretrea.

Jabhadda ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamada Eretrea ay Jimcihii soo weerareen deegaannada Zalambessa , Rama iyo Sorona ee dhaca waqooyi galbeed gobolka Tigreega.

Wasiirka arrimaha dibadda Eretrea, Cusmaan Saalax Maxamed ayaa gabi ahaanba beeniyay eedeynta jabhadda iyo in dalkiisu dhinac ka yahay dagaalka ka socda gobolka Tigray ee dalka Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here