Liverpool Oo Mar Kale La Tusay Sida Roberto Firmino Goolasha U Dhaliyo

0
154

JOWHAR (Radio Isnaay) Neymar ma joogin, haddana walaac ma haysanin Brazil, sababtoo ah, waxay haysteen Roberto Firmino oo hoggaamiyahooda noqday kulankii at xalay ku garaaceen Venezuela ee ay hoggaanka ugu qabteen kala-sarraynta waddamada Latin America ee isreeb-reebka Koobka Adduunka.

Xulka qaranka Brazil ayaa jabin kari waayey derbiga Venezuela dhigatay, waxaanay ku dhibaatoodeen magaalada Sao Paulo illaa uu Roberto Firmino tusinayay mar kale inuu yahay libaax marka loo baahan yahay badbaadiye ah.

Laacibkan ayaa shabaqa soo taabtay daqiiqaddii 67aad, waxaanu goolkiisu noqday midka kaliya ee garoonka ka dhashay labada waddanna kala saaray.

Brazil oo ay kulankan ka maqnaayeen Neymar iyo Philippe Coutinho oo dhaawac ah iyo Casemiro oo Korona Fayras ku dhacay ayaa waxa masuuliyadda tunka u riday Firmino oo xeelad ciyaareed la yimid, halka Gabriel Jesus iyo Richarlison ay ku dhibaatoodeen garoonka dhexdiisa.

Guushan ayaa siisay Brazil inay yeelato sagaal dhibcood iyadoo laba dhibcood ka horreysa Argentina oo kusoo xigta.

Bandhigga Roberto Firmino uu garoonka dhexdiisa ka sameeyey iyo goolka uu la yimid ayaa la sheegay inuu ahaa mid kalsooni ku dheehan tahay oo uu kooxdiisa Liverpool ku xasuusiyey in kaliya qaab ciyaareedkoodu uu ka hor joogo inuu shabaqa taabto.

Firmino oo booskiisa Liveprool uu ku qabsaday Diogo Jota ayaa waxa uu inta badan Reds ka yahay laacib shaqadiisu tahay inuu badhitaaro Sadio Mane iyo Mohamed Salah oo uu culayska difaaca ka fududaydiyo si ay fursad u helaan.

Hore ayuu Firmino shabaqa usoo taabtay isagoo qarankiisa u ciyaaraya kulankii Bolivia ee October 9 oo uu laba gool dhaliyey.

Brazil ayaa Salaasada waxay Montevideo kula ciyaari doontaa Uruguay, waxaana mar kale la sugayaa bandhigga uu sameeyo Roberto Firmino.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here