Dowladda Itoobiya oo Maamul Cusub u Magacowday Gobolka Tigreega.

0
129

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa lagu sheegay in Mulu Nega  loo magacaabay hogaanka gobalka Tigreega ee colaadu ka socoto isla markaana looga fadhiyo in uu soo xusho xubnaha maamulka ee la shaqeynaya.

Go’aanka ayaa waxaa lagu gaaray kulan ay yeesheen golaha wasiirada sida qoraalka lagu sheegay.

Aqalka sare Baarlamaanka Ethiopia ee loo yaqaan house of federation ayaa horay u go,aamiyay in maamul ku meel gaar ah loo dhiso gobalka tigreega kadib markii dowladdu ku soo rogtay xaalad deg deg ah.

Sidoo kale waxa ay arrintan imaaneysaa maalin kadib markii baarlamaanka Ethiopia uu xasaanadii ka qaaday 39 xubnood oo maamulka tigreega ah kuwaas ee uu ku jiro madaxweyna hada ee ismaamulka Tigreega.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here