Waa Kuma Ciyaartoyga Dhaawaca U Geystay Difaaca Liverpool Ee Joe Gomez?

0
134

JOWHAR (Radio Isnaay) Difaaca Liverpool ee Joe Gomez ayaa dhaawac looga saaray xulka qaranka England ee tababarka qaadanayay shalay, kaddib dhaawac halis ah oo soo gaadhay.

Tababaraha xulka qaranka England oo xalay fiidkii warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey in Gomez uu dhaawac soo gaadhay, isla markaana uu ka tirtiray liiska xulka qarankiisa ee kulamada soo socda.

Laacibkan ayaa mari doona baadhitaano ay kooxdiisa Liverpool ku samayn doonto, waxaana laga qaadi doonaa sawirro lagu ogaanayo sida uu yahay dhaawaciisu iyadoo markaa kaddibna go’aan laga gaadhi doono qaabka daaweyntiisa, jamaahiirtana lala wadaagi doono muddada uu garoomada ka maqnaan doono.

Tababare Gareth Southgate ayaa ka gaabsaday inuu sheego in dhaawacu khatar yahay, inkasta oo warbaahinta Ingiriisku tibaaxeen inuu yahay mid xun oo sahayan kara xili ciyaareedka laacibkan.

“Idiinma sheegi karayo sida uu halis u yahay dhaawacu sababtoo ah, wali sawirro lama marsiinin.” Ayuu yidhi Gareth Southgate.

Su’aasha ay taageereyaasha Liverpool sida weyn uga dhex-guuxaysa ayaa waxay tahay cidda dhaawaca u geysatay Joe Gomez maadaama ay xulka ku wada jiraan oo ay tababarka wada qaataan ciyaartooyo badan oo kooxo ay xafiiltamaan u ciyaara.

Gareth Southgate ayaa su’aashan ka jawaabay, waxaanu yidhi: “Waxa aniga i dhibaya waa inaan arkay inuu dareemayay xanuun iyo in aanay cidina agtiisa joogin markii uu dhaawacmayey.

“Waa inaynu sugno oo aynu aragno waxa sawirradu muujiyaan. Dhamaanteen waynu u rajo weynahay isagaha, laakiin xaaladdu may wanaagsanayn, mana filayo inuu ku lug yeelan doono ciyaarahayaga, waana hubaal taasi.”

Southgate waxa ugu dambayntii uu sheegay in aanay habboonayn in la mala-awaalo inta uu le’eg yahay dhaawacu illaa inta ay soo baxayso natiijada kama dambaysta ah ee dhaawacu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here