Musharaxiiinta Madaxweynaha Iyo Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabeelle oo Maanta Jeediyay Khudbadaha Waxqabadkooda.

0
142

JOWHAR (Radio Isnaay) Murashixiinta u taagan Qabashada Xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Hir-shabeelle ayaa Maanta Jeediyay Khudbadahooda waxaana ay ka hor jeediyeen Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle.

Xaflad lagu qabtay Hoolka Xarunta Hey,adda Unicef ee Jowhar ayaa Murashixiinta isku diiwan galiyay Xilalka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka waxa ay kusoo bandhigeen Khudbadahooda Wax qabad ee Cidda ku guuleeysata Hoggaanka Maamulka Hirshabeelle.
Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Jimcaale Cusmaan oo ugu horeyn hadlay ayaa sheegay in uu wax badan kaqaban doono Amniga Islamarkaana uu muhiimad gaar ah siin doono Kashaqeynta Amniga iyo Wada shaqeynta Bulshada iyo Hoggaanka Maamulka.

Musharax Cali Guudlaawe Xuseen oo isaguna utartamaya Xilka Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa khudbadiisa kaga hadlay Marxalidihii kaladuwanaa ee uu soo maray Maamulka Hirshabeelle waxaana uu tilmaamay in ay jiraan mashaariic farabadan oo loogu talogalay in laga fuliyo Deegaanada Hirshabeelle islamarkaana uu ku dadaali doono in ay fulaan Mashaariicdaasi oo uxayiran Amni la,aanta Deegaanada Hirshabeelle waxaana uu xusay in uu kashaqeyn doono Amniga iyo Xasiloonida deegaanada Maamulka Hirshabeelle isagoo Tilmaamay in aysan dhici doonin in Mashaariicda soo gashaa Deegaanada Hirshabeelle loo joojiyo Sababa Dhaqaale waxaana sidoo kale oo xusay in uu kashaqeyn doono Hormarinta Dhaqaalaha Deegaanada Hirshabeelle Islamarkaana Kalluumeeysatada loo Sameyn doono qaboojiyayaal si ay ugu keydiyaan Kalluunka.

Musharaxiinta u tartamaya Xilka Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Hirshabeelle ayaa iyaguna sheegay in ay si wanaagsan ula shaqeyn doonaa Cidda loo doortay Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Hirshabeelle Islamarkaana ay noqon doonaan dad kawada shaqeeya Horumarinta Danaha Deegaanada Maamulka Hirshabeellle waxaana Xilka Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Hirshabeelle u tartamaya labada Musharax ee Yuusuf Axmed Hagar

Dabageed iyo Maxamed Maxamuud Cabdulle Dheere.
Sikastaba Ha,ahaatee Maalinta Birri ah ayaa la filayaa in la guda galo Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here