Trump oo Dacwad ka Dhan ah Guushii Biden maxkamad ka Furtay.  

0
120

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Haweeneyda afhayeenka u ah madaxweyne Donald Trump ayaa sheegtay in dacwad ka dhan ah guusha Joe Biden uu doorashada ka gaaray in ay billaabatay.Doorashada ma dhammaan,” ayey tiri, xoghayaha warbaahinta ee Aqalka Cad, Kayleigh McEnany, oo shir jaraa’id qabatay.

Waxay jeedisay eedo ay ku sheegtay in doorashada la muqsuqmaasuqay, inkasta oo ay soo dhigin wax caddeyn ah oo muujinaya in doorashada la khiyaamay, ayna saameysay natiijada doorashada ka soo baxday.

Trump, oo ahaa musharraxa xisbiga Jamhuuriga ayaan weli oggolaan natiijada doorashada ka soo baxday.

Sabtidii ka dib, Tan iyo markii ay warbaahintu saadaaliyeen inuu Mr Biden ku guuleystay gobolka labada musharrax uu loollanka adag ku dhex maray ee Pennsylvania, isu geynta codadka uu helay ayaa sii sallaxday rabitaankiisa ahaa inuu awoodda aqalka cad uu la wareego.

Donald Trump ayaa markale Isniinta bartiisa Twitter-ka ku soo qoray arrin dood ka dhalisay natiijada isaga oo ku andacooday sheegashooyin aan la xaqiijin oo ah “ficil aan macquul ahayn oo sharci darro ah codbixinta la xiriira inay dhacday”.

Maamulka adeegga guud ee maamulo hay’adaha Federalka ee dalka Mareykanka, ayaa hakad gelisay in loo oggolaado kaaliyeyaasha Biden iney toos u billaabaan howlaha kala guurka ee xilka uu kula wareegayo, madaama weli aan si rasmi ah loo hubinin qofki ku guuleystay doorashada.

CBS News, waxay sheegtay in kooxda Biden ay eegayaan fursadaha sharciyeed ee jira haddii maamulka Trump uu diido in xilka uu wareejiyo.

Wariyaha Aqalka Cad ka soo warrama, wuxuu sheegay, inkastoo uu diiddan yahay, Trump inuu xafiiska ka tago bisha January, haddana waxaa soo baxaya hadal hayn ah in uu doonayo in doorashada 2024 uu tartamo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here