Iska Illow Dhaawacii Benzema, Mishiinkii Khadka Dhexe Ee Fede Valverde Oo Ka Jabay Lugta Midig.

0
139

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Real Madrid ayaa guul-darradii xanuunka badnayd ee kasoo gaadhay Valencia ay u raaceen dhaawacyo sii xumaynaya xaaladda kooxda, kuwaas oo madax-xanuunka kusii kordhin doona tababare Zinedine Zidane.

Karim Benzema oo ahaa laacibkii ay taageereyaashu indhahooda ku arkayeen isagoo dhaawac kaga baxaya garoonka, ayaa waxa usii raacayy xaalad kale oo kasii daran oo ah in muddo uu garoomada ka maqnaan doono mishiinka khadka dhexe ee Fede Valverde oo isagana dhaawac kasoo gaadhay kulankii Valencia.

Laacibka reer Uruguay ayaa la sheegay inuu dhaawac kasoo gaadhay lafta dheer ee dhudhunka ee ka hoosaysa jilibka, waxaana laga saaray liiska ciyaartoyda xulka qarankiisa ee kulamada muhiimka ah ee isree-reebka Koobka Adduunka ay la ciyaarayaan Colombia iyo Brazil.

War-saxaafadeed ay soo saartay Real Madrid ayaa waxay ku sheegtay in Fede Valverde uu ka jabay lafta dheer ee jilibka ka hoosaysa ee lugta midigta, isla markaana ay dhakhaatiirtu kabeen, laakiin waxay ka gaabsadeen inay sheegaan muddada suurtogalka ah ee uu garoomada kusoo laaban doono.

“Baadhitaan ay waaxda caafimaadka Real Madrid ku samaysay laacibkayaga Federico Valverde, waxa lagaga daaweeyey jabniin kasoo gaadhay lafta dhudhunka ee lugta midig. Xaaladdiisa soo kabashadana si joogto ah ayaa loo qiimayn doonaa.” Ayay Real Madrid ku tidhi war-saxaafadeedkeeda.

Dhaawacyada noocan ah ayaa inta badan qaata muddo bil ah, taas ka dhigan inuu seegi doono kulamada bishan November iyo qaybta hore ee December oo ay kulamo xaasaasi ah kusoo fool leeyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here