Real Madrid Oo Lagu Xasuuqay Mestalla Stadium, Seddex Rigoore & Gool Ay Isku Dhaliyeen.

0
142

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Real Madrid ayaa lagu xasuuqay garoonka Mestalla Stadium ka dib guuldarro 4-1 ah oo ka soo gaartay Valencia iyadoo looga badiyay seddex rigoore iyo gool ay iska dhaliyeen xilli ay iyagu ku hormareen goolka.

Kulankaan ayaa laga diiwaangeliyay taariikh iyadoo markii ugu horeysay abid Real Madrid laga dhigay seddex rigoore hal kulan gudahiis, halka xiddiga Valencia Carlos Soler uu noqday xiddigii ugu horeeyay ee seddex rigoore ka dhaliya hal kulan oo La Liga ah qarnigaan 21aad.

Natiijadaan ayaa kalsooni weyn siineysa kooxda Valencia oo xaalad xun ku jirtay xilli ciyaareedkan iyagoo haatan soo galay kaalinta 11aad halka Los Blancos ay ka dhacday kaalinta afaraad iyagoo leh 16 dhibcood.

Waa markii ugu horeysay taariikhda ee Real Madrid seddex rigoore laga dhigo hal kulan gudaheed. Haka Soler uu noqday xiddigii ugu horeeyay ee seddex rigoore hal kulan dhaliya horyaalka La Liga qarnigaan 21aad.

Xaalada Real Madrid ayaa sii xumaatay markii uu daqiiqadii 78aad ka dhaawacmay Karim Benzema iyadoo uu bedelay Mariano Diaz. Waxaa isna sidoo kale dhaawac ku baxay Fede Valverde iyadoo uu bedelay Toni Kroos.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay Valencia oo 4-1 ku garaacday Real Madrid iyadoo seddex rigoore oo xiriir ah laga dhaliyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here