Jamaahiirta Liverpool Oo Codkooda Ku Go’aamiyay No-9ka Ay Doonayaan Inuu Man City Kahor Tago Caawa

0
138

JOWHAR (Radio Isnaay) Liverpool iyo Manchester City ayaa fool ka fool iskaga hor imanaya caawa kulan ka qabsoomaya Etihad Stadium oo ka tirsan kulamada ilaa haatan xilli ciyaareedkan loogu sugista badnaa.

Labada kooxoodba waa kuwo kulanka caawa gelaya iyagoo qaab fiican kusoo jiray, aan ku bilawnee Man City ayaa guuldarro la’aan ahayd siddeedeedii kulan ee ugu dambeeyay iyagoo lix soo guuleystay laba kalena bar-bardhac galay.Dhinaca kale Liverpool ayaa soo guuleysatay dhammaan shanteedii kulan ee ugu dambeeyay kaddib markii ay kasoo kabteen guuldarro weyn oo lama filaan ah oo ay Aston Villa kala kulmeen.

Reds ayaa guusheedii ugu weyneyd ilaa haatan xilli ciyaareedkan kulankeedii ugu dambeeyay soo diiwaan gashatay iyadoo 5-0 kaga soo adkaatay Atalanta.

Geesiga kulankaas ee Liverpool ayaa ahaa Diogo Jota oo saddexley soo dhaliyay isaga oo toddoba kulan 10 kulan dhexdood ugu soo dhaliyay kooxdaas kaddib markii uu heshiis 41 Milyan oo Pound ah ugu soo biiray xagaagii.

Haddaba, su’aasha maanta taagan ayaa ah inuu markale Jurgen Klopp shaxdiisa gaar ahaan weerarka dhexe kusoo bilaabi doonaa Jota kulanka caawa mise waxa uu soo celin doonaa Roberto Firmino oo muhiim usoo ahaa kooxda shantii sano ee u dambeeyay.

Su’aashaas ayay shabakadda GIVEMESPORT weydiisay akhristayaasheeda waxaana ay bixiyeen jawaab cad oo xiiso badan.

Sida ay sheegayso codbixintu, kaliya 34% kamida coddeeyayaasha ayaa doortay inuu markale Firmino weerarka lamaane kula noqdo Sadio Mane iyo Mohamed Salah.

Dhinaca kale 66% oo ah saddex meeloodaw laba meelood ayaa doortay inay tahay in Jota oo qaab fiican ku jiraa uu Mane iyo Salah markale kula midoobo weerarka caawa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here