Joe Biden oo War kasoo Saaray Guushii uu ka Gaaray Trump.

0
151

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Joe Biden ayaa sheegay in la joogo “waqtigii la bogsiin lahaa” America, khudbaddiisii ugu horraysay ee madaxwaynaha la doortay, wuxuu ballanqaaday “inuusan kala qaybin dalka laakiin uu midayn” doono.

Midba ka kale fursad aynu siino,” ayuu yidhi Mr Biden, isaga oo la hadlaya dadkii ka codeeyay ee ka soo horjeeday.

Mr Biden ayaa ka adkaaday madaxweynaha xilka haya ee Donald Trump ka dib markii la tiriyey codadkii la dhiibtay doorashadii Talaadadii.

Mr Trump weli qirasho ma uusan samaynin, kamana uu hadal meel fagaare ah tan iyo markii guuldarradiisa lagu dhawaaqay intii uu ciyaarayay golfka.

Natiijada ayaa ka dhigaysa Mr Trump inuu noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee hal mar ah tan iyo 1990-yadii. Kooxdiisa alolaha ayaa geeyay dacwado aad u tiro badan gobolada kala duwan laakiin saraakiisha doorashada ayaa sheegaya in aysan jirin cadeyn muujineysa in codadka lagu shubtay.

Dabaaldegyo lama filaan ah ayaa ka dhacaty magaalooyinka waaweyn ka dib markii warbaahinta ay shaacisay guushii Mr Biden Sabtidii. Taageerayaasha Trump oo ka cadheysan natiijada ayaa lagu isugu soo baxay magaalooyinka qaar laakiin ma jirin wax warbixino ah oo ku saabsan falal dhacay.

Isaga oo la hadlaya taageerayaashiisa oo ku faraxsan kuna goob baabuurta la dhigto ee ku taal magaalada uu ku dhashay ee Wilmington, Delaware, Mr Biden wuxuu yidhi: “Waxaan ballan qaadayaa in aan noqon madaxweyne doonaya in la kala qaybsamo, laakiin aan mideeyo; Mareykanka. ”

Mr Biden – oo ilaa iyo hada ku guuleystey in ka badan 74 milyan oo cod, oo ah tii ugu badneyd ee abid loo qaado murashax madaxweyne ee Mareykanka – wuxuu bogaadiyey taageerayaasha “kaladuwan” ee uu soo uruuriyey intii uu ololaha socday, laakiin wuxuu sidoo kale si toos ah ula xirdhiidhay taageerayaasha Trump.

Waxaa la joogaa waqtigii la iska dhaafi lahaa hadalada xanafta leh, heerkulka hoos loo dhigi lahaa, dib la isu arki lahaa, markale la is dhageysan lahaa,” ayuu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here