Shaxda Rasmiga Ah Ee Barcelona vs Real Betis Koeman Oo Qaatay Go’aankii ugu Weynaa

0
185

JOWHAR (Radio Isnaay) Barcelona ayaa Camp Nou ku soo dhaweyn doonta kooxda Real Betis iyagoo raadinaya guushoodii ugu horeysay ee horyaalka La Liga ee muddo ka badan bil.

Barca ayaa si adag ku bilaabatay xilli ciyaareedkan iyagoo kaliya sideed dhibcood ka helay lix kulan oo ay ciyaareen, waxayna haatan ku jiraan kaalinta 13aad.

Real Betis waxay fadhiyaan kaalinta todobaad iyagoo raadinaya inay mar kale ka careysiiyaan Messi iyo asxaabtiisa maanta.

Tababare Ronald Koeman ayaa go’aankii ugu weynaa qaatay isagoo aan ku soo bilaabin Lionel Messi kulanka adag ee ay la ciyaarayaan Real Betis, waa markii ugu horeysay ee Messi kursiga keydka lagu soo bilaabo muddo ka badan sannad.

Keydka la geliyay Messi ayaa ku soo aadaya waqti uu ku dhibtoonayo inuu shabaqa soo taabto, iyadoo go;aankaan sii murjin doono xaaladiisa kooxda.

Waxaa weerarka isla hogaaminaya Griezmann, Dembele iyo Ansu Fati iyadoo uu caawinayo da’ yarka Pedri. Busquets ayaa isna lagu soo bilaabay khadka dhexe halka Sergi Roberto uu ka ciyaarayo booska daafaca midig.

SHAXDA RASMIGA AH:

Barcelona XI: Ter Stegen, Roberto, Piqué, Lenglet, Alba, Busquets, De Jong, Griezmann, Pedri, Dembelé y Ansu.

Real Betis XI: Bravo; Emerson, Mandi, Bartra, Moreno; Carvalho, Rodriguez; Fekir, Canales, Tello; Sanabria

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here