Qaramada Midoobay oo Walaac ka Muujisay Xaalada Itoobiya.

0
139

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in xal degdeg ah laga gaaro xiisadda ka dhex aloosan Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed & Ismaamulka Tigreega.

Guterres ayaa sheegay in aan laga maarmin miiska wada hadalka sidaas awgeed labada dhinac laga doonayo in wada-xaajood dhab ah ay bilaabaan si looga baaqsado gacan-qaad dhexmara labada dhan.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa adeegsanaya awood military, waxaana uu diyaariyay Ciidamada Xoogga dalkaas si ay u qaadaan tallaabo ka dhan ah Ismaamulka Tigreega oo kasoo gudbay diilinta cas.

Abiy Ahmed oo sanadkii 2019 la siiyay Abaalmarinta Nobel Peace Prize ayaa looga digay in uu faraha dhiig la galo, isla markaana uu sabab u noqdo dagaal sokeeyo oo ka bilawday dalkaan Itoobiya oo ay kunool yihiin 109.2 Milyan oo ruux sida ku cad daraasad la sameeyay 2018.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here