Maxay Tahay Inkaarta Galaafatay Tababareyaashii Kooxda Man United.

0
133

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Saddexdii tababare ee ka horreeyey Ole Gunnar Solskjaer ee David Moyes, Louis van Gaal iyo Jose Mourinho intaba waxay shaqadooda waayeen markii ay tageen Merseyside, isla markaana natiijadii ay ka keeneen ay si rasmi ah usoo afjartay waayahoodii Old Trafford, halkaas oo uu isaguna u safrayo Ole Gunnar Solskjaer xilli uu culays badan saaran yahay.

David Moyes ayaa waayihiisa tababarenimo ee Manchester United uu kusoo dhamaaday garoonka Goodison Park maalin Axad ah oo ay taariikhdu ahayd April 20, 2014 kaddib markii ay Everton kusoo garaacday 2-0.

Tababarihii ku xigay ee Louis van Gaal ayaa laba sannadood iyo hal bil kaddib isagana shaqada laga eryey markii uu kooxdiisa Manchester United ula  safray Merseyside oo uu garoonka Anfield kula soo ciyaaray Liverpool xilli ay ku beegnayd March 10, 2016.

Kulankan ayaa guul-darro weyn loogu xambaariyey Manchester United, waxaana markii ay kasoo laabteen uu Louis van Gaal ugu yimid magaalada Manchester iyadoo ay qoran tahay warqaddiisii shaqo ka caydhinta, iyadoo uu sidaa ku noqday tababarihii labaad ee u safray gobolka Merseyside, gaar ahaan magaalada Liverpool ee ay ka dhisan yihiin kooxaha Liverpool iyo Everton ee shaqada laga caydhiyey sid xidhiidh ah.

Jose Mourinho ayaa ugu dambeeyey oo isagana ay Manchester United shaqada ka eriday December 16, 2018 kaddib markii ay Liverpool dhax jiid-jiiday garoonka Anfield oo ay kaga badisay 3-1.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa isaguna raaci karaya daqiiqa saddexda tababare ee ka horreeyey, waxaana uu maalinta berri u safrayaa garoonka Goodison Park oo ay Manchester United kula soo ciyaari doonto Everton oo qaab ciyaareed wanaagsan ku jirta, waxaana la sheegayaa in natiijada ciyaartani ay go’aamin doonto mustaqbalkiisa.

Guul weyn oo uu ka keeno kulankan, waxay Ole Gunnar Solskjaer ka badbaadin kartaa inkaarta tababareyaasha United ee Merseyside oo ah magaalada Liverpool ee ay Everton iyo Liverpool ka wada dhisan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here