Tababaraha Dynamo Kyiv Oo Hadal Xanuun Badan Ku Yiri Barcelona Kahor Kulankooda Caawa

0
147

JOWHAR (Radio Isnaay) Tababaraha kooxda Dynano Kiev ee Lucescu ayaa shaaca ka qaaday waza uu ka aaminsan yahay awooda Barcelona oo ay caawa kaga hortagayaan UEFA Champions League iyo haddii ay yihiin kuwo ku guuleysan kara koobka.

Kooxda ree Ukraine ayaa usoo safartay magaalada Barcelona tababarahooda ayaana sida hadalkiisa cad u muuqda mid aan wax cabsi ah ka qabin kooxda uu martida u noqonayo caawa.Barcelona ayaa xilli ciyaareedkan qaabkeedii ugu xumaa abid ku bilaabatay horyaalka La Liga kaddib markii ay kaliya siddeed dhibcood ka heleen tartanka lix kulan kaddib balse waxa ay wacdarro kusoo dhigeen Yurub iyagoo labadii kulan ee ay CL ilaa hadda kasoo ciyaareen soo guuleystay.

Tababare Ronald Koeman ayaa qirtay inuu ka wer-wersanaa weerarka kooxdiisa ee aan dilaaga ahayn kaddib bar-bardhacii ay Alaves lasoo galeen Sabtidii kaas oo sababay inay booska 12-aad ka joogaan horyaalka.

Hadda tababare Lucescu oo ka hadlay xaalada Barcelona oo uu booqanayo ayaa sheegay in kooxdaasi aysan lahayn awoodii ay ugu guuleysan lahayd Champions League wakhtigan isaga oo tilmaamay kooxaha ka fursada fiican.

Lucescu ayaa yidhi kulanka kahor “Kaddib kulankii Bayern Munich, way caddayn in Barcelona ay isbedello samaynayso”

“Iyagu waxau haystaan saf ay ku jiraan ciyaaryahano aad u hibo badani balse waxay u baahan yihiin wakhti ay hanaanka kula qabsadaan”

“Uma malaynayo in Barcelona ay joogto heerkii ay Champions League ugu guuleysan lahayd haatan, Bayern Munich, Manchester City ama Paris Saint-Germain ayaa ka dookhyo badan”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here