Heshiiska Wadamada Carabta iyo Israa’iil oo lga Deyriyay.

0
159

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Heshiisyadii u dambeeyey ee xidhiidhada diblomaasiyadeed iyo kuwa ganacsi ay ku kala saxeexdeen Israel iyo saddex dal oo Carbeed ayaa waxay bog cusub u fureen taariikhda dalalkaa cadaawadda gaamurtay dhex taallay.

Laakiin “moorada nabaddu” waa siduu u dhigay ra’isal wasaaraha Israel , waxay qarisay dhacdooyin kale oo waaweyn.

Arin kale oo beryahan ba socotay waa in dalal badani hub cusub iibsanayeen.

Dalka ugu horeeyey ee wadama Khaliijka ee xidhiidhka la yeesha Israel, waa Imaaraadka Carabta e, ayaa qarka u saaran inuu Maraykanka ka iibsado diyaarado aad loo jecel yahay oo kuwa dagaalk ah.

Israel oo iyadu ahba dalka leh cududda milatari ee ugu horumarsan gobolka, ayaa iyadana laga filayaa in ay hub culus hesho.

Maraykanku wuxuu u arkaa in hubka ay dalalkaasi ka iibsanayaan uu awood dheeraad ah siin doono dalalkaa ay xulafada yihiin ay kaga xoog roonaaadaan Iran oo Maraykanku u arko in ay ay halis ku tahay dunida oo uu damacsanyahay inuu go’doomiyo.

Diyaaradaha dagaalka ee F-35 Lightingin II ee ay samayso shirkadda Maraykan ka ah ee Lockheed Martin, waa diyaaradaha dagaal ee ugu casrisan dunida waxaanu Jason Bronk oo ka tirsan mac-hadka Royal United Services Institue ee Ingririisku ku tilmaamay “mar la arag”.

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Imaaraadku muddo dheer ayuu daba socday inuu helo, waxaana la sheegaa in ay lix sannadood gaadhayso inta uu ka codsanayey Washington in ay u ogolaato in laga iibiyo diyaaradaas oo uu noqdo dalkii u horeeyey ee Carbeed ee diyaaradahaa yeesha.

Jason Bronk wuxuu sheegay in diyaaradahaas F-35 ay Imaaraadka uga dhigan yihiin “qab qaranimo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here