Real Madrid vs Inter Milan oo Caawa Fooda Is Dari doona iyo Shaxaha Macquulka ah ee labada Dhinac.

0
165

Jowhar – ( Radio Isnaay ) -Real Madrid oo mar laga soo badiyey, marna barbarro soo gashay ayaa raadin doonta inay guusheedii ugu horreysay ay tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan ka hesho marka ay caawa garoonkeeda Alfredo Di Stefano ku qaabisho Inter Milan.

Los Blancos ayaa hal dhibic oo kaliya ka heshay labadii ciyaarood ee ay Shakhtar Donetsk iyo Borussia Monchengladbach la ciyaartay, waxaanay fadhidaa kaalinta ugu hoosaysa Group B.

Laakiin Inter Milan ayaa iyaduna labadeedii ciyaaroodba waxay barbarro lasoo gashay Borussia Monchengladbach oo ay kulankii hore ku kala baxeen 2-2 iyo ciyaartii dambe oo ay Shakhtar Donetsk 0-0 ku wadaageen dhibcaha.

Tababare Zinedine Zidane ayuu saaran yahay culays weyn maadaama dhamaan afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey Champions League aanu soo guuleysan, waxaana laba ka mid ah oo xili ciyaareedkii hore ahaa si xun usoo garaacday Manchester City oo tartanka kaga reebtay wareegga 16ka.

Kulankii koowaad ee furitaanka Champions League ee xili ciyaareedkan ayaa u ahaa musiibo ay u maare waayeen, waxaana 3-0 ku hoggaaminaysay qaybtii hore Shakhtar Donetsk inkasta oo ay qaybtii labaad ka daba tageen oo ay 3-2 ka dhigeen natiijada.

Xogta labada kooxood

Ciyaarta: Real Madrid vs Inter Milan

Tartanka: Champions League

Waqtiga: 11pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Alfredo Di Stefano

Garsooraha: Clement Turpin (France)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here