Real Madrid Oo Shaacisay Xiddiga Muhiimka Ah Ee Xanuunka COVID-19 Kaga Dhacay

0
149

JOWHAR (Radio Isnaay) Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa shaacisay natiijadii ugu dambaysay ee baadhitaanka Korona Fayraska lagaga hubinayay ciyaaartoydeeda ka hor kulanka xaasaasiga ah ee tartanka Champions League ee ay habeen dambe oo Salaasa ah ku martigelinayaan Inter Milan.

Real Madrid ayaa walaac weyni soo fuulay xalay fiidkii markii ay ogaadeen in ciyaartoy ka mid ah xiddigaheedu uu ka gudbi waayey tijaabadii labaad ee lagaga hubinayay xanuunkan aafada ah, kaas oo ay sugayeen in ay si buuxda usoo gaadho natiijooyinka baadhitaanka ciyaartoyda oo dhamaystiran.Jamaahiirta kooxda oo raadinaya guushii ugu horreysay ee kooxdooda ee xili ciyaareedkan tartanka Champions League oo labadii kulan ee hore midna laga badiyey midba barbarro ay galeen ayaa waxay u dheg-taagayeen qofka uu noqon doono laacibka sida hordhaca ah loo sheegay inuu xanuunkani kudhacay

War-saxaafadeed ay kooxdu soo saartay ayay ku sheegtay in laacibka reer Brazil ee Eder Militao uu ku dhacay xanuunka Korona Fayras, isla markaana uu muddo laba toddobaad ku dhow ku jiri doono karantiil.

Baadhitaan kale ayay Real Madrid ku samayn doontaa ciyaartoydeeda, waxaana natiijada ugu dambaysa ay u gudbin doontaa  UEFA lix saacadood ka hor waqtiga ay bilaabmayso ciyaartooda Inter Milan.

Eder Militao oo haddaba lasii ogaaday inuu xanuunkani hayo ayaa waxa uu sii xumayn doonaa dhibaatadii Real Madrid ka haysatay difaaca oo ay ka dhaawacnaayeen Dani Carvajal, Alvaro Odriozola iyo Nacho Fernandes, halka ay jug soo gaadhay Luis Vazquez oo aan la hubin inuu taam u noqon doono ciyaarta Inter Milan, inkasta oo uu tababarka kusoo laabtay.

War-saxaafadeedka ay Real Madrid soo saartay ayay ku tidhi: “Real Madrid C.F waxay heshay natiijo ah in xanuunka COVID-19 ay jirto, baadhitaankii ciyaartoyda laga qaaday subaxnimada Axaddii shalay ee November 1. Dhamaan ciyaartoyda kooxda koowaad iyo shaqaalaha tababarka iyo waliba shaqaalaha sida tooska ah ula shaqeeya ayay natiijadoodu noqotay inay taam ka yihiin xanuunka.

“Laakiin si loosii xaqiijiyo, mar kale ayaa qof walba baadhitaan lagu samayn doonaa marka laga reebo Eder Militao oo laga helay xanuunka baadhitaan lagu sameeyey subaxnimada Isniinta ee November 2.”

Real Madrid ayaa ku qasban inay baadhitaan kale samayso si loo xaqiijiyo in ciyaartoydeeda kale aanay xanuunkan ka qaadin Eder Militao oo ay tababarka si joogto ah u wada qaadanayeen, waxaana wali jirta xaalad kale oo hubanti la’aan ah oo Zidane iyo xiddigihiisu ay waajahayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here