Dibad Baxyo looga Soo Horjeedo Faransiiska oo Wali ka Socda Waddamada Islaamka.

0
139

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Laga bilaabo Turkiga, Bangladesh, Urdun ilaa Malaysisa, waxaa ka socday dibadbaxyo ballaaran oo loogu baaqay dadka inay qaadacaan badeecadaha uu soo saaro Faransiiska.

Qaar kamid ah xarumaha laga dukaameysto waxay meesha ka saareen badeecadaha uu soo saaro Faransiiska xilli baraha bulshada ay ka socdaan olole ka dhan ah badeecadaha dalkaas.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay kaddib markii madaxweynaha Faransiiska uu sheegay in sababta loo dilay macalinka ay aheyd ‘Xoriyatul qowlka’ kaddib markii uu ardeydiisa tusay sawir gacmeed laga sameeyay Nebiga.

Wuxuu sheegay Macron in sababta “loo dilay ay Islaamiyiintu doonayaan mustaqbalkeenna”, laakiin Faransiisku “kama quusan doono sawir gacmeedyada”.

Madaxweyne Macron waxaa lagu amaanay qaabka uu u difaacay cilmaaniyadda iyo mabaadii’da ku salysan xoriyatul qowlka ee dalkiisa, inkasta oo hadalkiisa uu caro ka dhashay, Khamiistii magaalada koonfurta dhacda ee Nice waxaa lagu dilay saddex qof, Macron wuxuu weerarkaas ku tilmaamay “Weerar argagixiso ay ka danbeeyeen islaamiyiin”

Macron wuxuu noqday nin si weyn looga neceb yahay dunida muslimka, tusaale ahaan dalka Bangladesh, waxaa Arbacadii ka dhacay dibadbaxyo ay ka qeyb qaateen tobonaan kun oo qof oo looga soo horjeedo Faransiiska waxayna shacabka ku baaqayeen in la qaadaco badeecadaha Faransiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here