Man united oo Cashar loogu Dhigay Garoonkeeda Old Trafford.

0
179

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Arsenal ayaa 14 sannadood ka dib markii ugu horeysay waxay Manchester United ku garaacday garoonkeeda Old Trafford kualn horyaalka Premier League ah iyagoo ku badiyay 1-0 ciyaar xiiso badan oo ay soo bandhigeen.

Goolka kaliya ee Arsenal ku badisay waxa uu ahaa rigoore uu saxiixay kabtankooda Aubameyang kaasoo noqday xiddigii ugu horeeyay ee Arsenal ee rigoore ku dhaliya Old Trafford horyaalka Premier League.

Gunners waxaa ugu danbeysay inay Old Trafford ku badiyaan kulan horyaalka ah sannadkii 2006 iyagoo haatan gaaray guul weyn oo sarre u sii qaadeysa hamigooda xilli ciyaareedkan iyagoo soo galay 8aad iyagoo leh 12 dhibcood halka Man United ay ka dhacday kaalinta 15aad iyadoo shaqada tababare Solskjaer ee Old Trafford ay halis ku jirto.

Tababare Solskjaer ayaa ka qoomameeyay shax ciyaareedka dheymanka ee uu ku soo shirtagay ka dib markii ay kooxdiisa ku guuldareysatay inay saameyn weyn ku yeelato ciyaarta qeybteedii hore.

Gunners ayaa qeybtii hore aheyd kooxda ciyaar fiican iyagoo helay fursadaha ugu fiican halka Man United ay ku guuldareysteen inay isfaham khadka dhexe ah yeeshaan.

Xiddiga Arsenal Willian ayaa birta garaacay halka Saka uu helay fursad madax oo gool loo fishay balse uu shabaqa kor mariyay iyadoo Man United fursadii kaliya ay heshay ay aheyd mid Leno ka badbaadiyay Greenwood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here