Bruno Fernandes iyo Paul Pogba oo la Ogaaday Luuqadda ay ku Hadlaan Marka Ay Garoonka Ku Jiraan.

0
168

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Bruno Fernandes iyo Paul Pogba ayaa kuwada sheekeysta luqada Talyaaniga si ay u horumariyaan isfahamkooda khadka dhexe.

Kubadsameeyaha reer Portugal ayaa shaaca ka qaaday inuu xiriir fiican la leeyahay saaxiibkiisa Manchester United isagoo sheegay inay saaxiib ku yihiin garoonka banaankiisa iyo dhexdiisaba.

Tan iyo markii uu yimid bishii Janaayo ee sannadkan, taageerayaasha United ayaa si weyn u doonayay inay arkaan labada xiddig oo xiriir fiican oo khadka dhexe ah ku leh garoonka dhexdiisa.

Fernandes oo 26 sanno jir ayaa aaminsan in kaliya waqti ay ka xigto ka hor inta aysan isaga iyo Pogba bilaabin inay si wadajir ah wacdarro ugu dhigaan Man United.

Wuxuu u sheegay Sky Sports: “Dabcan xiriir aad u fiican ayaan leenahay.

“Labadeenaba waxaan ku hadli karnaa Talyaani sidaasi darteed waqtiga intiisa badan waxaan ku sheekeysanaa Talyaani. Xiriir fiican oo garoonka dhexdiisa iyo banaankiisaba ayaan la leeyahay.

“Waa nin qosol badan, mar walba waxa uu doonayaa inuu kaftamo.

“Waxaan ku garanayay Talyaaniga laakiin haatan waxaan fursad u helay inaan ku koox noqdo xiddig Koob Adduun ku soo guuleystay.

“Mar walba waa ii farxad inaan isaga ku koox ahaado sababtoo ah wax badan ayaan ka baran karaa, anigana wax badan ayuu iga baran karaa. Wadajirkeena waxyaabo waa weyn ayaan sameyn karnaa.”

Pogba iyo Fernandes ayaa markii ugu horeysay waxay ahaayeen kuwa isaga horimaanaya horyaalka Serie A iyagoo kala joogay kooxaha Juventus iyo Udinese.

Shan jeer ayay iska horyimaadeen iyadoo xiddiga Faransiiska uu seddex jeer badiyay ka hor inta uusan ku laabanin Manchester.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here