Barcelona Oo Barbarro Niyad-jab Ah La Kulantay, Rikoodhka Xun Ee Loo Diiwaangeliyey.

0
184

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Barcelona ayaa barbarro niyad-jab ah lasoo kulantay ciyaar ay marti u ahayd naadiga yar ee Deportivo Alves oo ay kusoo kala baxeen 1-1.

Kooxda tababare Ronald Koeman ayaa kulankii afraad oo xidhiidh ah ee horyaalka LaLiga ka tirsan aan wax guul ah soo helin, waxaana loo diiwaangeliyey rikoodhkii ugu xumaa muddo afar sannadood ah.

Ciyaartan oo ay shaqo weyn qabteen difaaca iyo goolhayaha Alves ayay Barcelona iska khasaarisay fursado badan, waxaana lagu ciqaabay gool uu qaladkiisa koowaad lahaa Gerard Pique oo kubbad uu u dhiibay goolhaye Neto oo hortiisa taagnaa, laguna soo ordayay ay lugihiisa ka baxday, taas oo uu goolka kusii riixay Luis Rioja.

Qaybtii dambe ayay Barcelona heshay goolka barbarraha oo uu u dhaliyey Antoine Griezmann, iyagoo ka faa’iidaysanaya kaadh cas oo loo taagay Jota oo ka tirsanaa Alves.

Barcelona oo labadii ciyaarood ee hore ay kasoo badiyeen Real Madrid iyo Getafe ayaa waxa uga sii horreeyey barbarro kale oo ay la galeen Sevilla, taas oo ka dhigan in kooxdani aanay wax guul ah arag afar ciyaarood oo xidhiidh ah oo horyaalka ah, waxaanay ku jirtaa kaalinta 12aad ee horyaalka xili ciyaareedkan.

Shaxdii labada kooxood

ALAVES XI (5-4-1): Fernando Pacheco; Ruben Duarte, Florian Lejeune, Victor Laguardia, Ximo Navarro, Edgar Mendez; Luis Rioja, Tomas Pina, Rodrigo Battaglia, Jota; Deyverson.

Kaydka: John Guidetti, Antonio Sivera, Burgui, Lucas Perez, Joselu, Adrian Marin, Martin Aguirregabiria, Rodrigo Ely, Manu Garcia, Borja Sainz, Tachi, Tomas Tavares.

BARCA XI (4-2-3-1): Neto; Sergi Roberto, Gerard Pique, Clement Lenglet, Jordi Alba; Sergio Busquets, Frenkie De Jong; Ousmane Dembele, Lionel Messi, Ansu Fati; Antoine Griezmann.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here