Maamulka Degmada Balcad oo ka Hadlay Saameynta Fatahaadaha Wabiga Shabeelle

0
155

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dhibatooyinka uu geysanayo Fatahaadaha Wabiga Shabeelle ee Deegaanada Gobokani Shabeellaha Dhexe ayaa sii kordhayey mudooyinkii Dambe kadib markii Daadadka Wabiga iyo biyaha Roobka oo isbiirsaday ay sababtay in ay Jaraan Wadooyinkii Loo Mari jiray Deegaanada Degmada Balcad.

Gudoomiye ku Xigeenka Arimaha Bulshada Degmada Balcad ee Gobolkani Shabeellaha Dhexe Maxamed Cabdullahi Axmed oo la hadlay Radio Isnaay ayaa Sheegay in xaalad Musiibo ah ay ka jirto Tuulooyinka hoostaga Degamadaasi Waxaana uu Maamulka Hirshabeelle Dowladda Dhexe iyo Hey’adaha Samafalka Ka Dalbaday in Gurmad lagaarsiiyo Dadkaasi.

Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedinaya :- Cabdi Casiis Xasan Cabdulle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here