Qaar kamid ah Wadamada Aasiya oo Taageero u Muujiyay  Trump.

0
187

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Siyaasadda Trump ee ah in Mareykanku wax walba ka horeeyo ayaa horseeday in uu kala bar dalalka caalamka aflagaado u gaystay waxaana uu hoggaamiyaasha Yurub ku tilmaamay kuwo tabar daran sidoo kale waxaa uu hadallo aflgaado ah u jeediyay dalka Mexica iyo dalal ka tirsan qaaradda Afrika.

Balse qaar ka mid ah dalalka koofurta Aasiya ayaa cadowtinimada ay u qabaan Shiinaha waxaa la micno tahay in wali ay taageerayaan Trump.

Hong Kong waxay la kulantay ciriiri adag oo kaga imaanaya Beijing ka dib dibadbaxyo ballaaran oo dimuqraadiyadda lagu tagaeerayay isla markaana looga horjeeday Shiinaha kuwaas oo ka dhacay Hong Kong wakhtiyo kala duwan .

Waxaa la la soo saaray sharci cusub oo amniga la xiriira ah laguna ciqaabayo qof kasta oo loo arko inuu gooni u goosad yahay ama wiiqayo xukunka Beijing.

Erica Yuen oo BBC-da la’ hadashay ayaa sidaan tiri “Markii Donald Trump la doortay afar sano ka hor, waxaan moodayay in Mareykanku uu waashay”.

Waligey waxaan ahaan jiray taageere Dimuqraadiyiinta. Haddase, waxaaan taageersanahay Trump aniga iyo inbadan oo kamid ah dibadbaxayaasha Hong Kong”

Haweeneydaan oo u dhaq-dhaqaaqda arrimaha bulshada kana mid ah ganacsatada ayaa sheegaysa in ahmiyadda koowaad ee Hong Kong ay tahay in la helo madaxweyne Mareykan ah oo si adag ugu babac dhigi kara xisbiga shuuciga Shiinaha ee magaciisa loo soo gaabiyo CCP – taasina waa waxa kaliya ee ay mudaaharaadayaasha Hong Kong rajeynayaan.

Rajadaas waxaa sii xoojiyay madaxweynaha Mareykanka oo dhaleeceyn qayaxan u jeediyay Shiinaha, gaar ahaan xaaladaha Hong Kong ka taagan oo uu ku taageerayay dadka dowladda Shiinaha ka soo horjeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here