Shacabka Shiinaha oo ku Dalxiisaayo Magaaladii uu ka soo Bilowday Cudurka Corona Virus.

0
197

Jowhar – ( Radi Isnaay ) – Wuhan waxay aheyd magaaladii uu kasoo bilowday cudurka Covid-19 balse nolosha magaaladan Shiinaha ku taalla oo ay ku nool yihiin 11 malyan qof ayaa si caadi ah kusoo laabatay.

Kaddib markii bishii Diseembar ee sanadkii lasoo dhaafay magaalada uu si ba’an u saameeyay safmarka- waxay noqotay magaalada ay booqdeen dadkii ugu badnaa xilligii Shiinaha uu ka socday dabaaldegga toddobaadka qaran ee la yiraahdo National Day Golden Week, kaas oo socday 1-da ilaa bishan Oktoobar.

Waxaa magaaladan xilliggaas booqday 19 malyan oo qof, sida laga soo xigtay daraasad ay sameysay waaxda dhaqanka iyo dalxiiska ee gobolka Hubei.

Waxaana xilliggas dunida saameeyay soo laba kacleynta cudurka Covid-19.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping wuxuu ku tilmaamay Wuhan ‘Magaaladii halyeeyda aheyd’

XIGASHADA SAWIRKA

Dowladda Shiinaha waxay sheegtay in Wuhan haatan aanan laga diiwaan gelin wax kiisas ah oo ku saabsan cudurka, inkasta oo ha’yadaha kala duwan iyo khuburrada ay rumeysan yihiin in hadalka kasoo baxay uusan sax aheyn.

Iyadoo la xusay dabaal degga toddobaadka Golden Week, waxay dowladda abaabushay dad fara badan oo lagu arkayay xarunta tareenka laga raaco ee ku taalla Wuhan.

Dib u dhalashad Wuhan kaddib cudurka Covid-19, waxay noqotay magaalo awood leh oo firfircoon” waxaa sidaas yiri Hua Chunying, oo ah ku xigeenka waaxda warfaafinta ee wasaaradda arrimaha dibadda, kaddib markii muuqaal uu soo dhigay Twitter-ka.

 

Shiinaha wuxuu diiwaan geliyay 91,151 kiis oo cudurka ah iyo wax ka yar dhimashada 5,000 qof halka Mareykanka tirada bulshadiisa ay ka yar tahay tan Shiinaha uu diiwaan geliyay in ka badan 8.5 malyan oo kiis iyo dhimashada ku dhawaad 225,000 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here