Fatahaadaha Wabiga Shabeelle oo Jaray Isku Socodka Waddada Jowhar iyo Muqdisho.

0
177

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waxaa hakad galay Isku Socodka waddada dheer ee xiriirisa Magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho kadib markii ay Daadadkii ka Dhashay fatahaada Wabiga Shabelle iyo Roobabka Deyrta oo isbiirsaday ay jareen Waddadaasi.

Xasan Cali Nuur oo kamid ah Shacaybka ku Soo Safaray dhibaatooyinka Jidkaasi ka Jira ayaa Radio Isnaay uga Waramay Marxaladaha Kala Duwan ee ay Maraan Rakaabka Ku Safra Inta U dhaxeysa Jowhar iyo Muqdisho oo Hadda laba Baabuur loo Raaco.

Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedineysa :- Maryama shiikh Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here