Tababare Pochettino Miyuu Ka Maarmay Man United Iyo Real Madrid?

0
221

JOWHAR (Radio Isnaay)Tababaraha haatan shaqo la’aanta ah ee macalin Mauricio Pochettino ayaa la sheegayaa inuu wadahadalo lama filaan ah la bilaabay kooxda dalka Ruushka kasoo jeeda Zenit St Petersburg xilli ay saxeexiisa doonayaan kooxo waaweyn oo ree Yurub ahi.

Tababarihii hore ee Tottenham ayaa ahaa mid shaqo la’aan ah tan iyo markii laga caydhiyay kooxdaas bishii November ee sanadkii hore.Pochettino ayaa tan iyo wakhtigaas lala xidhiidhiyay kooxo waaweyn oo ay kamid yihiin Real Madrid, Barcelona, Man United iyo Man City laakiin wali ma jirto koox uu wax heshiis ah la gaadhay Zenit ayaana diyaar u ah inay midaas ka faa’idaysato.

Sida lagu sheegay wargeyska Championat, kooxda dalka Ruushka sumcada weyn ku leh ayaa xidhiidh la samaysay 48 sano jirka kasoo jeeda Argentina waxaana haddaba bilaabmay wadahadalada.

Tababaraha haatan ee Zenit St Petersburg ee Sergei Semak ayaa ku jira sanadkii ugu dambeeyay ee heshiiska uu iyaga kula joogo waana sababta ay tababare cusub u raadinayaan.

Zenit ayaa ah mid waxkasta laga filan karo marka heerkan la joogo maadaama ay taariikh wanaagsan ku leedahay inay magacawdo macalimiin waaweyn iyadoo sanadahan ugu dambeeyay shaqo galisay rag ay kamid ahaayeen Andreas Villas-Boas iyo Roberto Mancini.

Waxa jirta suurogalnimo uu Pochettino ku diidi karo heshiiska Zenit isaga oo sugi kara Real Madrid maadaama uu shaqada kooxdaas hadda cadaadis ku saaran yahay macalin Zinadine Zidane.

Los Blancos ayaa ku dhiban inay qaab wanaagsan ku bilawdaan Champions League xilli ciyaareedkan kaddib markii ay kaliya hal dhibic ka heleen labadoodii kulan ee ugu horreeyay ilaa hadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here