Ganacsatada Seylada Xoolaha Jowhar oo Walaac ka Muujiyay Xoolo Yari Soo Wajahday.

0
180

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Yuusuf Axmed Ducaalle oo ka mid ah Ragga Seylada Jowhar ku iibiya Ariga ayaa sheegay in aysan sidii hore Xoolaha u soo Gaareynin Seylada Magaalada Jowhar Isaga oo Arintaasi u Sababeeyay Fatahaadaha Wabiga Shabeelle oo kala Xiray Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolkani Shabeellaha Dhexe .

Xooolo Yarida ka Jirta Seylada Magaalada Jowhar ayaa Keentay in uu Sare u Kaco Qiimaha Lagu Kala Iibsado Xoolaha Noocyadooda Kala Duwan Gaar ahaanna Ariga.

Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedineysa :- Maryama Shiikh Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here