Tottenham, Leicester & AC Milan Oo Guulo Gaadhay iyo Celtic & Napoli Oo Laga Naxsaday.

0
153

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tottenham ayaa guul 3-0 ah ku bilaabatay tartanka Europa League ee xili ciyaareedkan, waxaanay meel iska saartay naadiga yar ee LASK, taas oo uu Gareth Bale markii ugu horreysay ugu soo bilowday kooxdiisa cusub.

Tababare Jose Mourinho ayaa nasiyey xiddigihiisa waaweyn sida Harry Kane oo aan ciyaartaba soo gelin iyo Son oo uu beddel ku keenay, waxaana uu fursad siiyey Gareth Bale oo goolka labaad ee kooxdiisu heshay oo ay LASK iska dhalisay isagu soo laaday kubadda.

Tottenham ayaa daqiiqaddii 18aad hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana kubbad uu soo dhiibay Vinicius gool u beddelay Lucas Moura.

Daqiiqado kaddib ayay ciyaartoyda Tottenham u yaaceen dhinaca Gareth Bale oo kubbad uu soo laagay uu goolkiisa ku leexiyey Andres Andrade oo natiijada ciyaarta ka dhigay 2-0.

Heung-Min Son oo beddel kusoo galay ciyaarta ayaa lix daqiiqadood markii ay ka hadhsanaayeen dhamaadka, waxa uu Tottenham u dhaliyey goolka saddexaad oo uu soo farsameeyey saxeexa cusub ee Vinicius.

Dhinaca kale, Leicester City oo saddex sannadood kaddib kasoo muuqatay tartamada Yurub ayaa 3-0 ku karbaashtay kooxda yar ee Zorya oo ay kusoo dhoweysay garoonka King Power oo aanay wax taageereyaal ahi joogin.

James Maddison ayaa gool-dhalinta u furay Leicester City daqiiqaddii 29aad kaddib caawin uu ka helay Iheanacho, ka hor intii aanu laacibka Harvey Barnes gool labaad u raacin iyadoo uu kanna soo farsameeyey weeraryahanka reer Nigeria ee Iheanacho dhamaadka qaybtii hore.

Leicester City ayaa ciyaarta kusoo xidhay gool saddexaad oo uu u saxeexay Kelechi Iheanacho daqiiqaddii 67aad, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 3-0.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here