Arsenal Oo Guul Ay Ku Dhibaatootay Ku Furatay Europa League.

0
146

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa guul ku bilaabatay tartanka Europa League ee xili ciyaareedkan, waxaanay 2-1 ku garaacday kooxda Rapid Vienna oo ay marti u ahayd.

Arsenal ayaa lagala hor maray gool uu Rapid Vienna u dhaliyey Taxiarchis Fountas daqiiqaddii 51aad ee bilowga qaybta dambe, waxaa se ciyaarta oo ay 20 daqiiqadood ka hadhsan tahay dhamaadkeeda jabiyey derbigii ay dhisatay kooxda garoonkeeda joogtay David Luiz oo dhaliyey goolka hore ee Arsenal, waxaana afar daqiiqadood oo kaliya kaddib mid labaad ku daray Pierre-Emerick Aubameyang.

Ciyaartan ayaa waxa hadal haynteeda ugu badan haystay Mesut Ozil oo gurigiisa ka daawanayay, isla markaana sawir kartoon uu soo dhigay bartiisa Twitterka ay in badan jamaahiirtu isla wadaageen.

Shaxda labada kooxood

ARSENAL (4-4-2): Bernd Leno; Cedric, David Luiz, Gabriel, Sead Kolasinac; Nicolas Pepe, Thomas Partey, Mohamed Elneny, Bukayo Saka; Alexandre Lacazette (capt), Eddie Nketiah.

Kaydka: Runar Alex Runarsson, Hector Bellerin, Kieran Tierney, Pierre-Emerick Aubameyang, Ainsley Maitland-Niles, Shkodran Mustafi, Reiss Nelson, Joe Willock, Granit Xhaka, Matt Macey.

RAPID VIENNA (3-4-3): Richard Strebinger; Filip Stojkovic, Maximilian Hofmann, Mateo Barac; Kelvin Arase, Dejan Ljubicic (capt), Srdan Grahovac, Maximilian Ullmann; Ercan Kara, Marcel Ritzmaier, Taxiarchis Fountas.

Kaydka: Bernhard Unger, Mario Sonnleitner, Thorsten Schick, Dejan Petrovic, Deni Alar, Christoph Knasmullner, Leo Greiml, Koya Kitagawa, Lukas Sulzbacher, Melih Ibrahimoglu, Dragoljub Savic, Paul Gartler.

Mikel Arteta ayaa lix isbeddel ku sameeyey safkii uu kula ciyaaray Manchester City ee guul-darradu kasoo gaadhay, waxaanu kusoo bilaabay Thomas Partey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here