Faransiiska oo Kordhiayay Bandowgii Saarnaa Waddankiisa.

0
150

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Faransiiska ayaa bandowga habeennimo kusoo rogi doona magalooyiin dheraad ah si wax looga qabto faafitaanka cudurka coronavirus, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha dalkaasiJean Castex.

Cudurka ayaa mar labaad soo laba kaclayay” ayuu yiri ka hor inta dalkiisa uusan diiwan gelinin 41,622 kiis oo cusub.

Bandowga habeenimo ayaa waxaa uu bilaaban doona 9-ka habeenimo ilaa 6-da Aroornimo waxaa uuna dhaqangeli doona habeenki jimcaha iyadoo uu saameyn ku yeelanayo 46 malyan oo qof.

Wadamada kuyaala qaarada yurub waxay la daalaa dhacayaan heerka infekshinka oo sii kordhaya. Sida wadamada Faransiiska, Spain iyo Talyaaniga.

‘isbuucyadda soo socda aad ayay u adkaan doonan iyadoo tirada dhimashadana ay sare u kici doonto,” ayuu yiri Mr Catex mar uu la hadlayay warbaahinta maalinkii khamista. Afar iyo labaatanki saac ee lasoo dhaafay Faransiiska waxaa uu diwaangeliyay ku dhawaad 162 kiis.

hadii aanan waxba ka qabanin sfamarkan, waxaanu wajihi doonan xaalad aad u adag saas awgeed marka waa in aan talaboyiin dheraad oo adag aan la imaana,” ayu yiri.

Waxaynu haysanaa wakhti aan wax uga qabn karno arrinkan isla markana wakhti dheraad haddana ma hayno,” ayuu yiri Raisal wasaare castex.

Haddalka Ra’isal wasaaraha ayaa kusoo aadaya wax ka yar muddo isbuuc ah kadib markii bandhaw lagu soo rogay gobolka Paris iyo sided magaalo oo kale sida Marseille,Lyon iyo Toulouse. Haatan xayiraadahan waxaa lagusoo rogi doona 38 deegan oo kale iyo sidokale degaanka faraaansiika maamulo sida Polynesia waxaa uuna bandhawgaas socon doona muddo lix isbuuc ah.

Bandowga habeenimo ayaa waxaa walaac ka muujiyay dadka hoteelada ka ganacsado kuwaas oo markii horeba la dhaladhacay suuq xumi kadib laba bilood oo bandhaw ah oo dalkaasi kasoo baxay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here