Bayern Munich Oo Xasuuqday Atletico Madrid iyo Inter Milan Oo Barbarro Ku Gashay Garoonkeeda.

0
163

Jowhar –  ( Radio Isnaay ) – Bayern Munich ayaa guul ku bilaabatay xili ciyaareedka cusub ee tartanka Champions League ee ay koobkiisa difaacanayso, waxaana ay meel iska saartay Atletico Madrid oo ugu timid garoonka Allianz Arena oo ay ku xasuuqday 4-0.

Bayern Munich ayaa ciyaartan oo saadaal kala duwan laga sii bixiyey waxay hoggaankeeda qabatay daqiiqaddii 28aad oo kubbad uu meel fog kasoo tuuray Kimmich uu shabaqa Atletico dhex dhigay Kingsley Coman, waxaana ku xigsiiyey oo mid kale ku daray Leon Goretzka dhamaadka qaybta hore oo ay wax yar ka hadhsan yihiin.

Qaybtii labaad ayay Bayern Munich wacdaraheeda sii wadatay, waxaana laba gool oo kale u dhaliyey Corentin Tolisso iyo Coman oo goolkiisa labaad ee kulanka saxeexay.

Shaxdii labada kooxood

ATLETICO MADRID (4-4-2): Jan Oblak; Kieran Trippier, Stefan Savic, Felipe, Renan Lodi; Marcos Llorente, Hector Herrera, Koke, Yannick Carrasco; Luis Suarez, Joao Felix.

Kaydka: Ivo Grbic, Lucas Torreira, Angel Correa, Thomas Lemar, Ivan Saponjic, Vitolo, Mario Hermoso, Miguel San Roman, Juan Manuel Sanabria.

BAYERN (4-2-3-1): Manuel Neuer; Benjamin Pavard, Niklas Sule, David Alaba, Lucas Hernandez; Joshua Kimmich, Leon Goretzka; Thomas Muller, Corentin Tolisso, Kingsley Coman; Robert Lewandowski.

Kaydka: Javi Martinez, Douglas Costa, Eric Choupo-Moting, Joshua Zirkzee, Jerome Boateng, Alphonso Davies, Bouna Sarr, Marc Roca, Alexander Nubel, Jamal Musiala.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here