Liverpool Oo Guul Ay Ku Rafaadday Ka Gaadhay Ajax iyo Man City Oo Garaacday FC Porto.

0
233

Jowhar –  ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa guul ay dhibaato adag kasoo martay ka gaadhay Ajax oo ay ugu tagtay waddanka Holland, waxaana tababare Jurgen Klopp uu xili ciyaareedka cusub ee 2020-21 ee Champions League uu ku bilowday guul.

Liverpool ayaa gool madi ah oo qaybtii hore uu iska dhaliyey difaaca Ajax ee Tagliafico ku heshay guusha, laakiin kooxda martida loo ahaa ayaa samaysay fursado badan oo ay goolal ku dhalin karayeen, iyadoo ilbidhiqsiyadii ugu dambaysayna ay jamaahiirta Liverpool wadne gariir ku rideen markii ay birta dul mariyeen kubbad loo fishay inay gool tahay.

Manchester City ayaa iyaduna guul raaxo leh ka gaadhay FC Porto oo ay 3-1 ugu dhiibtay garoonka Etihad Stadium.

Sergio Aguero oo rikoodhe dhaliyey, Ilkay Gundogan iyo Ferran Torres ayaa Manchester City ku hoggaamiyey guusha, halka gool waqti hore uu dhaliyey Diaz ay FC Porto la timid.

Shaxda kulankii Ajax iyo Liverpool

LIVERPOOL STARTING XI (4-3-3): Adrian; Trent Alexander-Arnold, Joe Gomez, Fabinho, Andy Robertson; James Milner, Georginio Wijnaldum, Curtis Jones; Mohamed Salah, Roberto Firmino, Sadio Mane.

Kaydka: Caoimhin  Kelleher, Jake Cain, Divock Origi, Xherdan Shaqiri, Jordan Henderson, Diogo Jota, Vitezslav Jaros, Takumi Minamino, Neco Williams, Rhys Williams.

AJAX STARTING XI (4-3-3): Andre Onana; Noussair Mazraoui, Perr Schuurs, Lisandro Martinez, Nicolas Tagliafico; Davy Klaassen, Daley Blind, Ryan Gravenberch; David Neres, Dusan Tadic, Mohammed Kudus.

Kaydka: Lassina Traore, Sean Klaiber, Dominik Kotarski, Jurgen Ekkelenkamp, Maarten Stekelenburg, Klaas Jan Huntelaar, Zakaria Labyad, Quincy Promes, Edson Alvarez.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here