Chelsea & Sevilla Oo Goolal La’aan Ku Kala Baxay iyo Lazio Oo Ceebeysay Dortmund.

0
168

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Chelsea ayaa barbarro ku bilaabatay tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan, waxaana ay awoodi kari waayeen inay libin ka gaadhaan Sevilla oo marti ugu ahayd Stamford Bridge.

Tababare Frank Lamaprd ayaa shax adag lasoo shir tegay, laakiin Julen Lopetegui ayay kooxdiisu ahayd mid xooggan oo awood u yeelatay inay dhibaatooyin badan u geysato Chelsea oo garoonkeeda joogta, iyadoo ciyaarta inteeda badanna maamulaysay.

Chelsea iyo Sevilla oo ku wada jira Group E ayna ku weheliyaan labada kooxood ee Rennes iyo Krasnodar ayaa waxay ku dhamaysteen kulankooda barbarro 0-0 ah.

Shaxdii labada kooxood

SEVILLA (4-3-3): Yassine Bounou; Jesus Navas, Sergi Gomez, Diego Carlos, Marcos Acuna; Fernando, Ivan Rakitic, Nemanja Gudelj; Suso, Lucas Ocampos, Luuk de Jong.

Kaydka: Tomas Vaclik, Karim Rekik, Sergio Escudero, Joan Jordan, Franco Vazquez, Oliver Torres, Oscar Rodriguez, Munir El Haddadi, Carlos Fernandez, Youssef En-Nesyri.

CHELSEA (4-2-3-1): Edouard Mendy; Reece James, Thiago Silva, Kurt Zouma, Ben Chilwell; Jorginho, N’Golo Kante; Christian Pulisic, Kai Havertz, Mason Mount; Timo Werner.

Kaydka: Kepa Arrizabalaga, Willy Caballero, Antonio Rudiger, Fikayo Tomori, Andreas Christensen, Cesar Azpilicueta, Emerson, Mateo Kovacic, Hakim Ziyech, Callum Hudson-Odoi, Tammy Abraham, Olivier Giroud.

Tababare Frank Lampard oo uu culays weyni saaran yahay ayaa kusoo galay shax adag oo uu weerarka ku aaminay Timo Werner oo kaliya, laakiin ay garbihihiisa joogaan Kai Haverts iyo Mason Mount halka ay dhexda dambena N’Golo Kante iyo Christian Pulisic joogeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here