Manchester United Oo Garaacday PSG Oo Garoonkeeda Joogta iyo Rashford Oo Ka Farxiyey Red Devils.

0
158

Jowhar – ( Radio Isnaay ) –     Marcus Rashford iyo Bruno Fernandes ayaa Manchester United ka caawiyey inay guul 2-1 ah kala soo laabato Paris Saint-Germain oo ay ugu tagtay magaalada Paris.

Manchester United ayaa la hormartay gool rikoodhe ahaa oo uu u dhaliyey Bruno Fernandes, waxaase PSG ay barbarro ku heshay madax uu iska dhaliyey Anthony Martial oo rikoodhaha kooxdiisana keenay.

Ciyaarta oo sii dhamaanaysa ayay Manchester United u dabbaal-degtay goolka guusha oo uu u dhaliyey Marcus Rashford oo ciyaarta oo dhan khatar ku ahaa PSG, waxaanu goolkiisu ahaa mid uu masaafo dheer ka toogtay goolka uu waardiyaha ka ahaa Keylor Navas.

Manchester United ayaa labadii jeer ee ugu dambeeyey ee ay PSG ugu tagtay Parc des Prince waxay kala soo laabatay guul, waxaana cajiib ah in sida caawa oo kale uu ciyaartoodii horena uu Rashford dhaliyey goolka guusha waqtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta lagu daray.

Shaxdii labada kooxood

MANCHESTER UNITED (3-5-2): David de Gea; Axel Tuanzebe, Victor Lindelof, Luke Shaw; Aaron Wan-Bissaka, Fred, Scott McTominay, Bruno Fernandes (c), Alex Telles; Anthony Martial, Marcus Rashford.

Kaydka: Juan Mata, Odion Ighalo, Nemanja Matic, Brandon Williams, Facundo Pellistri, Dean Henderson, Daniel James, Timothy Fosu-Mensah, Paul Pogba, Donny van de Beek.

PARIS SAINT-GERMAIN (4-3-3): Keylor Navas; Alessandro Florenzi, Abdou Diallo, Presnel Kimpembe (c), Layvin Kurzawa; Ander Herrera, Danilo Pereira, Idrissa Gueye; Angel Di Maria, Kylian Mbappe, Neymar.

Kaydka: Kays Ruiz-Atil, Moise Kean, Marquinhos, Julian Draxler, Timothee Pembele, Colin Dagba, Alexandre Letellier, Mitchel Bakker, Rafinha, Bandiougou Fadiga, Sergio Rico, Pablo Sarabia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here