Tirada Kiisaska Xanuunka Covid–19 ee Dalka Arjantiin oo Halmilyan kor u Dhaaftay.  

0
139

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wadanka Arjantiin ayaa noqday dalka 5-aad ee caalamka kaas oo kiisaskiisa COVID-19 ay ka gudbeen 1milyan oo qof, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka dalkaasi.

24-kii saac ee la soo dhaafay Wasaaradda Caafimaadka dalkaasi ayaa diiwan gelisay 12,982 kiis taasi oo wadarta guud ee dalkaasi ka dhigeysa 1,002,662 kiis.

Sidoo kale dhimashada 451 kale ayaa laga soo weriyay dalkaasi sidaasna wadarta guud dhimashada ayaa noqoneysa  26,716 ruux.

Marka loo eego tirade dalkaasi ku nool ee 45-ta milyan ah Arjantiin waa dalka ugu yare e gaaray 1 milyan oo kiis.

Waddamada mareykanka, Hindiya,Baraasiil iyo Ruushka ayaa ka gudbay 1milyan oo kiis

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here