Muran xoogan oo ka Dhashay Mowduuca Doodda Siyaasadeed ee Mareykanka.

0
154

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo ninka kula loomamaya Aqalka Cad, Joe Biden, ayaa aad ugu murmay qorshayaasha dooddooda ugu dambaysa ee taleefishinka laga sii dayn doono.

Kooxda u ololaynaysa musharaxa xisbiga Jamhuuriga ayaa dadka doodda soo qabanqaabiyay waxa ay ku eedeeyeen in doodda todobaadkan ay gacan ku siiyeen Dimuqraadiyiinta in mowduuc ahaan meesha loogaga saaro mowduuca siyaasadda arrimaha dibadda.

Dhinaca kooxda u ololaynaysa Biden ayaa waxa ay Mr Trump ku eedeeyeen inuu isku dayayo inuu ka weecdo jawaabaha su’aalaha laga waydiiyay cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Mr Biden ayaa si wayn ugu horreeya aaraa’da la uruuriyay iyadoo laba todobaad uun ay doorashada ka harsan tahay.

Hasayeeshee waxyar ayuu ku horreeyaa dhowr gobol oo muhiim ah oo dalkaas ku yaal kuwaas oo ah meesha ugu dambayntii lagu kala baxo.

Isniintii, kooxda u ololaynaysa madaxweynaha ayaa waxa ay warqad u direen Guddiga Doodaha Madaxtinimada, iyagoo ugu baaqay in wax laga badelo mowduucyada doodda ugu dambaysa ee la qaban doono Khamiistan.

Maareeyaha ololaha Trump, Bill Stepien, ayaa warqadda ku sheegay in dhinacyada ay goor horaba ku heshiiyeen in siyaasadda arrimaha dibadda diiradda lagu saaro doodda saddexaad.

Mowduucyada ayaa todobaadkii tegay waxaa ku dhawaaqday weriyaha warbaahinta NBC News Kristen Welker taas oo doodda daadihin doonta: Qoysaska Mareykanka, arrinta midabka dadka ee Mareykanka, isbadelka cimillada, ammaanka qaranka iyo hoggaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here