Heerka Saboolnimo ee Dalka Mareykanka oo Sare u kacday.

0
142

Jowhar (Radio Isnaay)- Heerka saboolnimada dalka Mareykanka ayaa sare u kacday sababo la xiriira cudurka Covid-19, xilli ay sii yaraaneyso kaalmada dhaqaale ee dowladda ay siiso shacabka ay cudurkani dhibaatada dhaqaale ka soo gaartay.

Ku dhawaad siddeed milyan oo qof oo Ameerikaan ah oo u badan carruur iyo dadka laga tirada badan yahay ayay saboolnimadu la degtay laga soo billaabo bishii Maajo ee sanadkan, sida lagu sheegay daraasad ay sameeyeen cilmi-baarayaal ka tirsan jaamacadda Columbia ee dalkaasi.

Usbuucii la soo dhaafay oo kaliya, qiyaastii 900,000 oo qof ayaa dowladda weydiistay kaalmo dhaqaale maadaama ay shaqo la’aan la soo deristay, waana tiradii ugu badnayd ee la diiwaan geliyo tan iyo bishii Agosto.

Khubarada dhanka dhaqaalaha ayaa ku talinaya in kaalmo dhaqaale lala soo gaaro dalkaasi si looga baaqsado dhaqaale kuduudsi.

Haseyeeshee, siyaasiinta Mareykanka ayaa bilihii la soo dhaafay ku muransanaa sidii heshiis looga gaari lahaa in la barataaro dhaqaalaha dalka oo la caawiyo dadka ay cudurkan ka soo gaartay dhibaatada dhaqaale. Waxaase arrintan lagu illaaway doorashada dalka ku soo wajahan iyo murankii ka dhashay arrinta maxkamadda sare ee dalkaasi.

Cudurkani safmarka ahi ayaa horseeday in kabadan 20 malyan oo qof oo Mareykanka u dhashay ay shaqo la’aan noqdaan. Dowladda Mareykanka ayaa ansixiyay in kabadan saddex tirilyan oo doolar oo wax looga qabanayo dhaqaale xumida soo wajahday dalka.

Barnaamijkaasi gargaarka ah waxaa ka mid ah in lacag gaareyso 1,200 doolar loo qoondeeyo shakhsiyaadka uu dhaqaalahooda saameeyay cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here