Maalinta Kaliya Ee Uu Sergio Ramos Nacay, Xaalada Eden Hazard

0
124

JOWHAR (Radio Isnaay) Goolhayaha kooxda Real Madrid ee Thibaut Courtois ayaa bixiyay waraysi dhinacyo badan taabanaya oo uu kaga hadlay arrimo ay kamid yihiin saaxiibkiisa kooxda iyo qaranka Belgium ee Eden Hazard iyo waliba kabtankiisa Sergio Ramos.

Courtois ayaa qaab adag ku bilawday noloshiisa Real Madrid sanadkii 2018 balse horumar badan sameeyay ilaa uu ka noqday shabaq-ilaaliyaha lama taabtaanka ah ee Zinadine Zidane.

Courtois oo hammigiisa Real u sheegaya Cadena SER ayaa ugu horreynba yidhi “Waxaan jeclaan lahaa inaan sanado kale oo badan halkan joogo, cajiib ayay noqon lahayd haddii aan inta ka hadhay waayahayga ciyaareed halkan ku dhammaysto”

Dhinaca kale Courtois oo ka hadlay xaalada Hazard ayaa sheegay in la arki doono Hazard oo qaabkiisii wanaagsanaa kusoo laabtay xilli uu dhibaatooyin kusoo dhex jiray inta uu Bernabeu joogay oo dhan.

“Waan hubaa inay dadku arki doonaan Hazard-kii ugu fiicnaa, isagu waa mid ay ka go’antahay inuu muujiyo waxa uu samayn karo”

“Isagu waxa uu ahaa mid aad ugu nasiib xun dhaawacyo, laakiin deg-deg ayuu usoo laaban doonaa isagoo kala duwanaanshaha u samaynaya kooxda”

Ugu dambayn, Thibaut ayaa sheegay inuu doonayo inuu Ramos kula guuleysto Champions League balse maalinta kaliya ee uu nacay kabtankiisa uu ahaa Final-kii Champions League ee 2014 markaas oo uu gool ka dhaliyay.

“Aad ayay muhiim u tahay in Ramos uu joogo, anigu waxaan markasta isaga ku yidhaa inaan doonayo inaan Champions League kula guuleysto isaga”

“Anigu markasta isaga waan la dhacsanaa marka laga reebo hal munaasibad oo Lisbon ka dhacday (Final-kii 2014), si lamid ah Messi iyo Ronaldo, kaliya aynu iyaga ku raaxaysano inta aynu awoodno”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here