Rooney Oo Kala Doortay Midka Fiicnaa Paul Scholes, Frank Lampard Iyo Steven Gerrard.

0
144

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wayne Rooney ayaa kala doortay xiddigihii xulka qaranka England ee Paul Scholes, Frank Lampard iyo Steven Gerrard oo muddooyin ay garoomada ku jireen si weyn ugu soo xafiiltamay iyagoo kala metelaya Manchester United, Chelsea iyo Liverpool.

Rooney oo ah kabtanka kooxda Derby County ee ka dhisan waddanka Ingiriiska ayaa kasoo garab ciyaaray kabtanka hore ee Liverpool ee Steven Gerrard iyo halyeyga Chelsea ee Lampard oo haddana tababare u ah Blues oo xulka qaranka England ay u wada ciyaareen, halka Paul Scholes ay waqti badan qolka lebbiska Manchester United iyo xulka England intaba ku wada jireen.

Saddexdan ciyaartoy ay in muddo ah soo taagnayd midkooda wanaagsanaa, waxaana su’aashooda la weydiiyey halyeeyo badan oo ay ka mid ahaayeen Zinedine Zidane iyo David Beckham laakiin ugu dambayntii Wayne Rooney  oo saddexdoodaba waqtiyo qurux badan ay wada qaateen ayay su’aashu u tagtay.

Xilli ay Stadiyaha telefishanka Sky Sports wada joogeen Gary Neville ayaa waxa Wayne Rooney la weydiiyey fikirkiisa ku aaddan midk afiicnaa saddexdan laacib, waxaanu si aan gabbasho lahayn ula soo baxay laacib ay marna xulka guul u wada raadinayeen marna ay garoomada dhexdooda isku colaadin jireen.

Wayne Rooney ayaa sheegay in Steven Gerrard uu ka sarreeyo Scholes iyo Lampard intaba marka la eego saamayntii uu ku lahaa Liverpool iyo xulka England, waxaanu yidhi: “Waxaan leeyahay Gerrard. Waxa jirtay waqtiyo ay ciyaartooyo badan naga maqnaayeen kulamada qaarkood. Adiga (Gary Nevile), Beckham, waxaana  kaliya garoonka tegay aniga, Stevie iyo Frank.

“Stevie ayaa kulamo badan na jiiday waqtigaas.”

Scholes, Lampard iyo Gerrard ayaa waxa dooddooda ka qayb-galay taageereyaal badan oo codkooda u qaaday midkooda wanaagsan, waxaana mar afti laga qaaday ay jamaahiirtu codkooda ugu badan siiyeen Scholes.

Weeraryahankii hore ee xulka qaranka England iyo kooxaha Liverpool, Real Madrid iyo Manchester United ee Michael Owen ayaa isaguna mar wax laga weydiiyey doodda saddexdan halyey waxa uu lasoo baxay Steven Gerrard.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here