Mareykanka oo Xabsiga Dhigay Nin Ka Shaqeyn jiray Shirkad Sameyso Biitsaha.

0
160

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Nin ka shaqeyn jiray shirkad sameysa raashinka loo yaqaanno pizza-da ayaa lagu xiray gudaha Mareykanka kaddib markii qof macmiil ah uu burka laga sameeyo Pizza-da oo ay soo saarto shirkaddaas uu ku arkay sakiin lagu soo dhex qariyay, sida ay sheegeen booliska.

Mas’uuliyiinta suuqa laga dukaameysto ee Hannaford ee ku yaalla deegaanka Maine ayaa booliska ku wargeliyay Pizza-da lagu dhex arkay sakiinta oo laga soo iibiyay halkaas.

Nicholas Mitchell, oo horraan ka shaqeyn jiray xarunta It’ll Be Pizza oo soo saartay burkan laga sameeyo Pizza-da ee lagu soo dhex qariyay sakiinta ayaa xabsiga loo taxaabay.

Muuqaallo ay duubeen kameerooyinka qarsoon ayaa muujinayay nin ku sugan gudaha bakhaarka oo fur furayo Pizza-da.

Macaamiisha ka adeegatay xarumaha Portland Pie pizza dough iyo Portland Pie cheese intii u dhexeysay 1-da bishii Agoosto ilaa 11-kii bishan Oktoobar waa inay dib usoo celiyaan waxyaabihii ay kasoo iibsadeen halkaas si lacagtooda dib loogu celiyo.

Arrinta la rumeysan yahay ee la doonayay in lagu dhibaato lagu geysto kaddib markii bir lagu dhex qariyay waxyaabaha ay soo saarto shirkadda Portland Pie, xarunta Hannaford waxay bakhaarka ka saartay wax soo saarka shirkadda Portland Pie” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xarunta laga dukaameysto ee Hannaford.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here