Haaland oo sawir kaga Farxiyay Taagerayaasha Kooxda Real Madrid.

0
149

Jowhar – (Radio Isnaay ) – Taageerayaasha Real Madrid ayaa farxad ka muujiyay sawir uu weeraryahan Erling Haaland soo dhigay baraha bulshada ka dib markii uu seddexleey u dhaliyay xulka dalkiisa Norway shalay oo Axad aheyd.

Waxayaheyd markii ugu horeysay ee uu seddexleey ka dhaliyay tartan heer caalami ah iyadoo duufaanta xiddiga Borussia Dortmund ee kubada cagta ay weli socoto.

Labo ka mid ah seddexdiisa gool waxaa caawiye ka ahaa xiddiga mustaqbalka weyn leh ee Real Madrid Martin Odegaard iyadoo Haaland uu u mahadceliyay saaxiibkiisa ay isku xulka yihiin taasoo ka farxisay jamaahiirta Real Madrid oo ku riyoonaya in labadaan xiddig ay sidoo kale kawada ciyaaraan Los Blancos mustaqbalka dhow.

Haaland ayaa sawir soo dhigay baraha bulshada ciyaarta ka dib isagoo gacanta ku haya kubadii uu seddexleyda ku dhaliyay waxaana qolka labiska la fadhiyay Odegaard, iyadoo jaamhiirta Los Blancos ay bilaabeen in baraha bulshada ay ku soo qoraan in Haaland & Odegaard ay yihiin mustaqbalka Real Madrid.

Odegaard ayaa wacdarro ka dhigay La Liga xilli ciyaareedkii la soo dhaafay oo uu amaah ku joogay Real Sociedad taasoo keentay in dib loogu soo celiyo Real Madrid.

Dhanka kale Haaland ay weli ah bartilmaameedka koowaad ee Real Madrid ee suuqa kala iibsiga. Wuxuu xilli ciyaareedkan ku bilowday sidii uu ku dhameystay xilli ciyaareedkii hore isagoo dhaliyay afar gool islamarkaana caawiye ka noqday gool kale seddex kulan oo Bundesliga ah uu u dheelay Dortmund.

Ka dib markii uu ku biiray Dortmund bishii Janaayo 2020, Haaland waxa uu ciyaaray 18 kulan tartamada oo dhan, waxaana uu dhaliyay 16 gool halka uu sidoo kale sameeyay seddex caawin.

Los Blancos ayaa ku hamineysa inay mustaqbalka dhow la soo saxiixdaan weeraryahanka reer Norway laakiin waxay ku xiran tahay in kubada cagta ay ka soo kabsato dhaqaalo xumada uu sababay Korona Fayras.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here