Waa kuma Xiddiga Ay La Soo Wareegtay Man United ee Durbaba Qorsheynaya Inuu Kooxda Ka Tago.

0
156

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Saxiixa cusub ee Manchester United Facundo Pellistri ayaa durbaba qorsheynaya inuu kooxda ka tago.

18 jirkaan ayaa Man United waxa uu kagasoo biiray kooxda reer Uruguay ee Penarol maalintii ugu danbeysay suuqa kala iibsiga isagoo Old Trafford ku yimid heshiis 9 milyan ginni ah, wuxuuna kooxda u saxiixay qandaraas shan sannadood ah.

Pellistri ayaa durbaba ka hadlay jaceylka uu u qabo inuu ku laabto maalin uun kooxda Penarol laakiin waxa uu doonayaa inuu marka hore ka ciyaaro Premier League.

Pellistri ayaa u sheegay Telemundo: “Waa wax cajiib ah kaliya sannad ka hor waxaan kulankeygii ugu horeeyay u saftay kooxda koowaad.

“Wax aan la qiyaasi karin ayay ii aheyd inaan ka ciyaaro horyaalka heerka koowaad oo aan u dheelo Penarol haatana waxaan u ciyaarayaa Manchester United, marnaba kuma riyoodeen, waana wax qiiro gelinaya nafteyda iyo qoyskeyga.

“Riyadeyda ayay aheyd inaan u ciyaaro kooxda Penarol.

“Waxaan baxayaa anigoo jaceyl weyn u haya inaan soo laabto maalin uun”

Pellistri ayaa 37 kulan u saftay kooxda Penarol ka dib markii uu saftay kulankiisii ugu horeysay bishii Agoosto 2019.

Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa Jimcihii u soo duulay England si uu ugu biiro kooxda tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Xiddigaan ayaa u dagaalamaya inuu boos ka helo kooxda koowaad ee Manchester United laakiin haddii uu ka waayo wuxuu jeclaan lahaa inuu Janaayo amaah dib ugu laabto Penarol si uu u sii dhiso khibradiisa garoonka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here