Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo Shaacisay Kiisas Cusub oo Covid-19 ah.

0
120

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta shaacisay dad farabadan oo ka bogsaday Cudurka halista ah ee COVID-19, kuwaasi oo uu horey ugu dhacay.

Warbixin ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in 5 maalin ee lasoo dhaafay Cudurka COVID-19 laga  baaray 3,464 qof, isla markaana laga helay 119 ruux kamid ah dadkaas laga helay cudurka, waxaana ka bogsaday 79 Ruux.

11 October 2020: Tirada la baaray Covid-19, 5tii maalin ugu dambeeyay Soomaliya: 3,464

Laga Helay: 119

Puntland : 99

Somaliland: 18

Banadir: 2

Lab: 83

Dhedig: 37

Bogsasho: 79

Dhimasho: 0

Tirada Guud ee Laga Helay: 3,864

Bogsashada Guud: 3,089

Dhimashada Guud: 99

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here