Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tuulada kulmis weyne oo ka mid ah Tuulooyinka hoostaga Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Waxaa Kataagan Xaalad adag oo ay Sababtay Fatahaadihii Wabiga Shabeelle ee Ku Laalaabtay Tuuladaasi.
Gudoomiyaha Tuulada Kulmis Weyne Cabdi Cumar oo la Hadlay Radio Isnaay ayaa Sheegay in Tuulada Dadka ku Nool ay Hadda Heysato Xaalad adag oo Dhinaca Nolosha ah Loona Baahanyahay in Si Deg deg ah Gurmad loo Gaarsiiyo.
Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedinaya:- Cabdi wali Axmed Hilowle.