Min 25ka Ciyaartoy Ee Man City, Man United, Liverpool, Chelsea, Arsenal, Tottenham & Leicester.

0
176

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Pep Guardiola ayaa noqday macallinkii ugu dambeeyey ee Premier League ee ku dhawaaqa liiska ciyaartoyda kooxdiisa ee ka qayb-geli doona tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan, waxaana lagu qasbay inay keensato tiro ciyaartooyo ah oo ka yar inta naadiyada kale ay soo gudbisteen.

Manchester City oo aan haysanin ciyaartooyo da’yar ah oo kasoo baxay kulliyaddeeda ayaa waxa 25kii ciyaartoy ee loo ogolaa ay kusoo koobneen 21, waxaana ka baxay afar ciyaartoy oo naadiyada kale ay ka yaraan doonaan.

Saxeextada cusub ee Nathan Ake, Ferran Torres iyo Ruben Diaz ayaa dhamaantood si toos ah u galay liiska ciyaartoyda kooxda ee ciyaari doona tartanka Champions League, waxaana ku wehelinaya goolhaye Steffen oo noqonaya kan labaad, halka Carson uu goolhayaha saddexaad noqday.

Liiska 21ka ciyaartoy Manchester City uga qayb-geli doona tartanka Champions League: 

Goolhayeyaal: Ederson, Steffen, Carson

Difaacyahaanno: Walker, Dias, Stones, Ake, Zinchenko, Laporte, Mendy, Cancelo

Khadka dhexe: Gundogan, Rodri, De Bruyne, Bernardo, Torres, Fernandinho.

Weerarka: Mahrez, Sterling, Jesus, Aguero.

Liverpool

Jurgen Klopp ayaa soo wada qaatay dhamaan ciyaartoydiisa oo tiradoodu tahay 24 laacib, waxaana kaliya uu ka yimid Harry Wilson oo la filayo inuu ka tegi doono Reds maalmaha soo socda.

Xhaqiri oo mustaqbalkiisa mugdi ku jiray ayaa lagu soo daray liiska kooxda, waxaanay taasi ka dhigan tahay inuu ku negaaday Anfield.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here