Madaxweyne Trump oo Dhameystay Daweyntiisa Xanuunka Covid-19  

0
177

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dhakhtarka gaarka ah ee Donald Trump ayaa sheegay in madaxweynaha uu dhameystirtay daweyntiisi xanuunka Covid-19 sidoo kalana uu shaqadiisii caadiga ahayd dib u bilaabi doono dhammaadka toddobaadkan.

Dr Sean Conley ayaa sheegay in madaxweynaha uu safiican u qaatay dawada ayna xaaladdiisu caafimaad ay si caadi ah ku soo noqotay.

Mr Trump ayaa markii dambe sheegay in maanta Jimcaha uu baaritaan kale isku sameyn doono ka dibna uu rajeynayo inuu dib u bilaabo ololihiisa doorashada dhammaadka toddobaadkan.

Madaxweynaha ayaa mar sii horreysay sidoo kale sheegay inuu ka baxay dooddii Khamiista loo ballan sanaa ee isaga Joe Biden.

Waxa uu sheegay inuusan waqtigiisa ku lumineyn dood dhanka online-ka ah kaddib markii qaban-qaabiyeyaasha ay sheegeen iney doodda noqon doonto mid si toos ah aanu la isu hor fariisanyn. Tallaabadasi ayaa horseedday muran ku saabsan qaabka iyo waqtiga la qabanayo doodda xigta.

Waxay ka bilaabatay guddiga qaabilsan doodaha masharxiinta madaxweynaha kaddib markii uu ku dhawaaqay in 15-ka bishan Octoobar ay doodda labaad ee musharixiinta madaxweynaha ka dhici doonoto Miami si loo xaqiijiyo badqabka dhammaan dadka ku lugta leh doodda.

Hase yeeshee madaxweyne Trump oo wereysi dhanka teeloofoonka ah siiyay warbaahinta Fox News ayaa sheegay in go’aankaasi ka soo baxay guddiga uu yahay mid laga caroodo. “Fariiso combuyuutar gadaashii, waa wax lala yaabo.”’

Dhanka kale Joe Biden ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu maskaxdiisa il-biriqsi kasto baddelo. Kooxda ololaha u qaabisan Trump ma doonayaan in madaxweyhana uu ka jawaabo su’aalaha dadweynaha.

Ugu dambeyn haatan waxaa la isku raacay in doodda xigta ee u dhaxeysa Trump iyo biden ay 22-ka Octoobar ka dhacdo Miami.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here