Xiddigaha Ugu Mushaharka Badan Arsenal Oo Lasoo Saaray

0
156

JOWHAR (Radio Isnaay) Lacag intee le’eg ayaa ku baxday Thomas Partey mushahar ahaan? su’aashaasi waa mida ay jamaahiirta kubadda cagtu is weydiinayaan kaddib markii ay Arsenal xalay si rasmi ah u dhammaystirtay saxeexa kubad-dilaha ree Ghana.

Arsenal ayaa lacag 45 Milyan oo Pound ah kagala soo wareegtay Atletico Madrid 27 sano jirkaas xilli uu Lucas Torreira dhinaca kale amaah ugu biiray.Partey ayaa heshiis shan sano ah qalinka ugu duugay Arsenal isagoo mushahar ahaan toddobaadkii jeebka ku shuban doona lacag 200 Milyan oo Pound ah balse lacagtaas ayaan ka dhigayn mid kamida saddexda xiddig ee ugu mushaharka badan Gunners.

Weeraryahanka ahna kabtanka Arsenal ee Pierre Emerick Aubameyang ayaa ah midka ugu sarreeya liiska mushahar bixinta ee xiddigaha Arsenal kaddib markii uu qandaraas cusub oo saddex sano ah bishii hore saxeexay.

Mushaharka Auba ayaa la fahamsan yahay inuu ka badan yahay oo ay wax dheer yihiin midka 350,000 ee Pound ah ee uu Mesut Ozil kooxda ka qaato.

Ozil oo hore u ahaa ciyaaryahanka ugu mushaharka badan Arsenal ayaa hadda ah midka labaad ee kooxdaas lacagta ugu badan ka hela kaddib qandaraaskii uu 2018 qalinka ku duugay.

Booska saddexaad ee kala sarreynta mushaharka Arsenal ayuu soo xidhay Willian Borges oo qaab bilaash ah ugaga yimid Arsenal dhinaca Chelsea gudaha suuqa xagaagan waxaana booska afraad soo gelaya Thomas Partey.

Booska shanaad ayuu ku jiraa weeraryahanka kooxdaas ee Alexandre Lacazette halka uu lixda sarre dhammaystirayo saxeexa rekoodhka Gunners ee Nicolas Pepe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here