Akhriso, Liiska Dhameystiran Ee Xiddigaha Waa Weyn Ee Lala Wareegay.

0
123

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Suuqa iibka ciyaartoyda Yurub ayaa soo xirmay iyadoo saxiixyo badan waa weyn la sameeyay maanta iyo caawa.

Kooxaha Premier League ayaa si weyn uga dhex muuqday suuqa kala iibsiga Yurub si la mid ah Bayern Munich oo seddex saxiix sameysay Xalay.

Arsenal ayaa dhamesytirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee aadka loo qiimeeyo Thomas Partey ka dib markii ay bixiyeen 50ka milyan euro ee lagu burburinayay qandaraaskiisii kooxda Atletico Madrid.

Lucas Torriera ayaa ka tagay Arsenal isagoo ku biiray Atletico Madrid heshiis amaah hal xilli ciyaareed ah.

Manchester United ayaa dhameystirtay saxiixa weeraryahanka waayo araga ah Edinson Cavani oo ay si bilaash ah kula wareegeen ka dib markii uu xagaagan ka tagay kooxda Paris Saint-Germain. Cavani ayaa saxiixay heshiis sannad ah oo uu sannad kale ku darsan karo.

Manchester United ayaa iibsatay xiddiga garabka midig ka ciyaara ee mustaqbalka leh Amad Diallo oo ay kala wareegeen kooxda Atalanta. Laakiin 18 jirkaan ayaan imaan doonin Old Trafford ilaa bisha Janaayo isagoo ku sii wareegay heshiis 40 milyan euro ah.

Manchester United ayaa dhameystirtay saxiixa daafaca bidix Alex Telles oo ay kala soo wareegeen kooxda FC Porto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here