Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo Cisbitaalka laga Saaray.

0
116

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray inuu ka baxay isbitaalka oo uu dib ugu laabtay Aqalka Cad.

Ku dhawaaqidiisu waxay timid waxyar uun ka hor shir jaraa’id oo uu la yeelanayo dhakhaatiirtiisa.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay aad uga wanaagsantahay sidii u ahaa labaatan sano kahor.

Mr Trump wuxuu sidoo kale difaacay go’aankiisa uu cisbitaalka uga baxay si uu usoo salaamo taageerayaashiisa bannaanka hore ee cisbitaalka ku sugnaa habeenkii axada halkaas oo looga dabiibayay Covid-19, waxaa uuna sheegay in haddii sidaas uusan sameyn lahayn ay saxaafada ugu yeeri lahayd mid aan naxariis lahayn.

Khubarada caafimaadka ayaa su’aal ka keenay go’aanka Donald Trump uu uga soo baxay cisbitaalka si uu u salaamo taageerayaashiisa, iyadoo gaari u ku maray banaanka hore ee isbitaalka looga dabiibay cudurka Covid19.

Waxaa jira walaac laga qabo in madaxweynaha Mareykanka, oo xirnaa af-saab ama marada afka lagu xirto, laga yaabo inuu halis geliyay ilaalada Madaxweynaha ee loo yaqaano Secret Service kuwaas oo gaariga la saarna.

Afhayeenka Aqalka Cad, Judd Deere ayaa sheegay in safarkii Axaddii “ay kooxda caafimaadka “ansixiyeen ayna ku tilmaameen mid nabdoon oo badqab ah”.

Su’aala ayaa wali ku gadaaman xanuunka Mr Trump ka dib markii hadallo is khilaafsan ay soo baxeen dhammaadkii usbuuca.

Isaga oo la hadlayay telefishanka Fox News, madaxa shaqaalaha ee Aqalka Cad Mark Meadows waxaa uu sheegay in dhakhaatiirtu ay goor dambe go’aansan doonaan in madaxweynaha laga saari doono cisbitaalka Walter Reed iyo in kale, oo ku dhow Washington.

Mr Meadows wuxuu sheegay in uu mar sii horeysay uu la hadlay Mr Trump, xaaladdiisuna ay u muuqato mid kasoo reynaysay habeenkii saddexaad ee

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here