Lataliye Sare oo ka tirsan Xafiiska Madaxweyne Trump oo laga Helay Covid-19.

0
153

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweyne Donald Trump in laga helo cudurka safmarka ee Covid-19 ayaa ku soo aadaysa kadib todobaad mashquul badan oo uu ku jiray olole doorasho kahor 3 November, intii ololaha socdayna waxaa uu la kulmay xilligaas saraakiil badan oo heer sare ah.

Maalinkii Jimcaha ayuu bartiisa twitter-ka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump soo dhigay in isaga iyo Marwada Koobaad Melania Trump laga helay fayraska korona.

Arrintan ayaa imanaysa kaddib markii mid ka mid ah lataliyaashiisa aadka ugu dhaw, waa Hope Hicks ee, laga helay cudurka Covid-19.

Hope Hicks, waa 31-jir latalisa madaxweynaha, waana qofkii ugu dhawaa ee ka mid ahaa lataliyayaasha soke ee Mr Trump ee illaa hadda cudurka laga helo.

Waxa ay madaxweynaha kula safartay diyaaradda Air Force One markii uu ka qeybgalayay dooddii taleefishiinka ee horraantii toddobaadkan lagu qabtay Ohio.

Tan iyo markii Madaxweynaha laga helay cudurka, dhowr qof oo uu kamid yahay Maareeyahiisa ololaha doorashada ayaa iyaguna laga helay.

Aqalka Cad wuxuu si joogto ah cudurka uga baara saraakiisha iyo martida madaxweynaha la kulanto. Si kastaba ahatee, warbaahinta Mareykanka ayaa xustay in Maaskarada ama marada afka lagu xirto iyo kala fogaanshaha Madaxweynaha agtiisa ay aad u yar tahay, waxaan arrinkan laga dheehan karaa in dadku ay aad ugu tiirsan yihiin nidaamka baaritaanka, taas oo aan caqli-gal ahayn.

Madaxweynaha waa 74-jir sidaasi daraaddeedna waxa uu ka mid yahay dadka halista wayn uu ku keeni karo cudurkan, isaga oo warka ah inuu xanuunku haleelay uu ku shaaciyay bartiisa Twitterka. “Si wadajir ah ayeynu kaga soo wadakabsan doonnaa,” ayuu soo qoray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here